Daraasadda oo laga sameeyey lix magaalo oo dalka ah (Muqdisho, Kismaayo, Jowhar, Baydhaba, Dhuusamareeb, iyo Garoowe) ayaa baaris ku sameysey Taariikhda Dalladda BBA, Fahamka Soomaalida ee dalladdaan, Saameynta Xubinimada dalladdan ay ku yeelan karto Soomaalida, Caqabadaha ka horjoogsan Somalia in ay heshi Xubinimo buuxda iyo waxa ay Somalia ku kordhin karto dalladda BBA.